TSC Kenya Oo Diiday..

Uncategorized

Kadib markii ay aad u kordheen Weerarada joogtada ah ee Maleeshiyaadka Shabaabka ka fuliso qeybo kamid ah gudaha dalka Kenya ayaa sababay inay xirmaan Dugsiyo waxbarasho oo badan oo ku yaalo Gobolka Gaarisa.

TSC oo ah Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen macalimiinta ay soo shaac baxday kadib markii ay Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Kenya wax ka qaban weysay xaaladda Amniga ee Gobolka Gaarisa oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen weeraro khasaaro geystay oo ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa ugu baaqay waalidiinta ay ardayda u dhiganayeen Iskuulada Gobolka Gaarisa inaysan iskuul usoo dirin inta ay dowladda Kenya xal u keeneyso dhibaatada Amniga ee Gobolkaas ka taagan sida uu sheegay Xasan Sheekh Cali oo ah Afhayeen u hadlay guddigaas.

Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa diiday inay macalimiin kale keenaan Iskuulada ay ka tageen macalimiintaas iyagoo taas sabab uga dhigay inay keeneyso kala qeybsanaan ayna fududeeneyso inay macalimiinta galaan gacanta Kooxda Shabaab.

TSC ayaa sheegtay in macalimiinta Gobolka Gaarisa isaga cararay ay gaarayaan illaa 30 Macalin kuwaas oo ka naxay dhimashada seddex ka tirsan saaxiibadii ay macalimiinta isla ahaayeen oo ku dhintay weerar ay Bishii hore Al-Shabaab ku qaaday iskuul ku yaalo Gaarisa.

14720cookie-checkTSC Kenya Oo Diiday..