Macallimiinta Ciidamada Turkey, ayaa tababar cusub u billaabay Hal Urur (Battalion) 450 askari, oo loo tababarayo inay kamid noqdaan ciidamada lugta (Infantry) Somalia, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Somalia…
Ciidamadan tababarka loo furay ayaa lagu dhaariyay xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom ee kutaala magaalada Muqdisho, waxaana loo tababarayaa La-dagaallanka Argagixisada.
Xafladdii tababarka lagu furayay waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.
Waa dufcadii 6aad oo loo tababarayo ciidanka lugta. Tababarkaan ayaa la filayaa inuu sii socda illaa bisha march ee sanadka 2021, wiuxuuna leeyahay qeybo kala duwan.
Dowladda Turkiga ayaa tababartay saddex meelood meel kamid ah ciidamada militariga Soomaaliya, oo lagu qiyaasay tiradoodu inay tahay 15,000-16,000, askari.