UAE Oo Lagu Sifeeyay Khalkhal Galiyaha Amniga Degenaashaha Dalalka Bariga Africa

Somalia news

Degaanada Dalalka Bariga Afrika waxay muddo dheer xudun u ahaayeen muhiimad Juquraafiyadeed oo ay leeyihiin, kuna tartamaan Quwadaha Waa weyn, Sidaas awgeed, tartankaan adag ayaa Waxaa sal u ah biya mareenka Bab al Mandab iyo Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah Ganacsiga Caalamiga ah, sida ay iftiimisay jawaabtii dhawaan uu Maraykanku hoggaaminayo ee lagaga hortagayo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga inkastoo lagu fududaaday fulinta Howlgalkaasi…

Dhulka iyo xeebaha ku teedsan Waxey hodan ku yihiin kheyraad ay ka mid yihiin Macdan, Xoolo nool, Dhul beereed, Shidaal iyo Gaaska dabiiciga ah, Bariga Afrikana taariikh ahaan waxa uu ahaa buundada isku xidha qaaradda Europe, Dhinaca Ganacsiga iyo xiriirka dhaqanka.

UAE ayaa lagu sifeeyay iney safka hore kaga jirto Wadamada Deganaashaha u diiday Dalalka Ethiopia, Erirtea, Djibouti, Somalia, Sudan $ Yemen, Dhacdooyinkii u dambeeyay, oo ay ku jiraan dagaalka sokeeye ee arxan darrada ah ee Sudan iyo heshiiska dekedda Ethiopia ee Somaliland, ayaa iftiimiyay doorka saamaynta leh ee Imaaraadku ku leeyahay Arrimaha gobolka.

Diirada Imaaraatka Carabta ee Gobolka ayaa ka gudubtay kaliya kheyraadka, gaar ahaan macdanta dahabka ee Sudan, waxeyna danaheeda ku faafisay Dekedaha, Saadka iyo Isku xirka Ganacsiga, si loo xoojiyo Wadooyinka Ganacsiga iyo Saameyntooda Siyaasadaha gudaha ee Dalalka kor ku xusan, iyagoo dhistay Ciidamo iyaga u gaar ah una dagaalama.

Waxeyna Ololahaan ka soo bilaawday Dekeda Dalka Djibouti oo ay maalgelisay sanadkii 2008-dii, kadib markii ay dhidibada u taagtay dhismaha Shirkadda ee DP World, taasoo u adeegta danaha siyaasadeed mida juqraafiga ee UAE, Tallaabadani waxay qayb ka ahayd istaraatiijiyad ballaaran oo ay ku jirtay dadaallada lagu maamulayo dekedda Cadan ee Konfurta Yemen, Berbera, Boosaso iyo Kismaayo Somalia, qorshahaan ayaa muhiim ah si loo xakameeyo loona ilaaliyo Waddooyinka ganacsiga ee ka soo jeeda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa Hindiya.

Hadaba! Miyeey Maamulka Villa Somalia ku baraarugsan yihiin dhagarada Dalka UAE misr waxaa Madaxweynaha uu ku qancwy Guriga laga siiyay Magaalada Dubai, Indheer garad badan ayaa welwel ka muujiyay Saameynta UAE ee Dekedaha Kor ku xusan, iyo Maleeshiyaad ay qoraneyso kana madaxbanaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland, Maxeysa Dowladu iyo Sirdoonkeeda kala socdaan Diyaarada Sumadeedu tahay KW 4031 ee Airbus A300B4-230 (F) ee shalay ku soo degtay magaalada Mogadishu, Sow Diyaaradani ma aha diyaaradii loo diiday iney Hargeysa ku degto kadibna loo oggolaadey.

303770cookie-checkUAE Oo Lagu Sifeeyay Khalkhal Galiyaha Amniga Degenaashaha Dalalka Bariga Africa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com