Madaxweynaha Puntland Oo Qorsheystay inuu Dib ugu Laabto magaalada Garoowe

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in kadib markii uu isku dhex ka dhashay Wareegadii uu Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland xilka kula wareegay ayaa waxaa la sheegaya in Madaxweynaha Puntland ahna Musharrax Mr.Said Deni, uu go’aansaday inuu dib ugu laabto magaalada Garoowe…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa sheegeen, in Madaxweyne Deni uu kusoo noqon doono Garoowe maalmaha Arbacada ama khamiista, si u dardargeliyo shaqooyinka Xukuumadda uu hoggaaminayo ee Puntland. Isagoo qaabili doona Wafuud ka socota Beesha Caalamka oo uu la ballansan yahay dabayaaqada April.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu jooga Muqdisho dardargelinta olalihiisa doorashada Villa Soomaaliya, iyo siddii Guddoonka labada Gole ee BJFS ugu soo bixi lahaayeen xubno siyaasad ahaan aysan is diidaneen.

184810cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo Qorsheystay inuu Dib ugu Laabto magaalada Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com