Dowladda Uganda ayaa walaac ka muujisay qorshaha uu Mareykanka doonayao in Ciidamada ka jooga Somalia ugu wareejiyo wadamadda Jabuuti iyo Kenya horaanta sanadka 2021-ka, talaabadaan oo dib u dhac ku noqoneysa Howlgalada Amisom iyo Ciidamada Somalia Ee dhanka ka ah Kooxaha argagixisada…
Mr Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha Waaxda arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in “nasiib darro” ay tahy in askarta Ameerikaanka ay ka hayaamayaan Soomaaliya “waqti aad xasaasi u ah”.
“Waxay xaalad khatar ah gelineysaa ciidankeena maxaa yeelay waxay baxayaan isla waqtiga ay hoos loo dhigayo askarta AMISOM,” ayuu yiri, sidda uu kasoo xigtay Wargeyska Maxaliga ah ee Daily Monitor.
Flavia Byekwaso, afhayeenka ciidamadda Uganda, ayaa rumeysan in bixitaanka ciidamadda Mareykanka ay “abuureyso firaaq nabad-gelyo”, “Waa nasiib darro in lala soo degdegay balse wax badan kama oran karno. Bixitaankooda waxay si wax ku ool ah u saameyn doontaa la dagaalanka argagixisada balse Midowga Afrika waa in uu buuxiyaa doorkaas,” ayuu u sheegay jariiradda Daily Monitor.
Byekwaso ayaa tibaaxay in ciidamadda AMISOM ee ka kooban Uganda, Kenya, Burundi, Djibouti iyo Ethiopia ay u baahan yihiin in ay buuxiyaan booska ay faarujinayaan dhigooda Ameerikaanka ah.
“Dhowaan waxaan arki karnaa ciidanka oo bilaabaya in ay ka dhaqaaqaan boosaska ay hadda joogaan si ay u buuxiyaan firaaq ay baneeyeen askarta Ameerikaanka,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Uganda ayaa ah waddanka ugu badan ee ciidamadda ku tabarucay howlgalka AMISOM, iyadda oo kaliya gobolka Banaadir oo ay ku taalo magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ay ka joogaan 4000 Ciidan ah.