Shakiga Ku Gedaaman Doorshada

Somalia news

Waxaa caadi noqotay in Maaweelada iyo Wakhti lumiska Maamulka Villa Somalia uu ku meermeerinaayo Shacbiga Soomaaliyeed, Dowlad goboleedyada Xisbiyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasoo uu hawada u mariyay in dalka guud ahaan laga qaban doono doorasho qof iyo cod ah. 

Maamulka Farmaajo mudadii ay jirtay kama shaqeyn waxyaabaha suurta galin karaa iney doorasho xiligeeda ku dhacdo, iyadoo ay muuqdaan xaalado aan saamixi karin in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

-Degaano iyo qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Waxaa maamula Kooxaha argagixisada.

-Maamulka Somaliland oo ku dhawaaqday madaxbanaanideeda balse wali anan helin ictiraaf  sidaasi darteed doorasho kasto oo qof iyo cod ah laga qabto soomaaliye oo aan ku jirin gobolada waqooyi  waxeey daliil u tahay in Somalia ogolaatay gooni u istaaga walalaha Somaliland.

-Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland oo iyana qaadacsan nooca doorasho ee uu rabo Madaxweyne Farmaajo.

-lama tirakoobin muwaadiniinta ka qeyb qaadanayso doorashada 2020/21, iyadoo la ogyahay in Somalia  ku nool yihiin  ajaanib aad u faro badan sida Ethiopia, Tanzaniyan, Kenyan & Yaman suurta galna ah in la adeegsado ajaanibtaas inta aysocoto doorashooyinka qaranka.

-DFS ma Awoodo sugida Amniga Guud ee  Qaranka sido kale xuduudaha dalka waa ay furan yihiin dhaqdhaqaaqoodana  lama koontorooli karo iyadoo la ogyahay in Dowlada Ethiopia ay aad u wadato Madaxweyne Farmaajo.

40420cookie-checkShakiga Ku Gedaaman Doorshada