Uhuruu Oo Martiqaad U Diray Muuse Biixi

Somalia news

Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa qorshaynaysa inay qaado tallaabooyin Diblomaasiyadeed oo ay ku sii murjineysa xiriirka sii xumaanaya ee kala dhexeeya dalka Somalia kahor 15-ka bisha December 2020…..

Qorshaha Madaxtooyada Kenya ay wado ayaa ah inay abaabusho soo dhoweyn aad u ballaaran oo loo samaynayo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la filayo inuu booqasho gaaban ku tago magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Kenya ay madaxweyne Muuse Biixi u soo dhoweyso sidii madaxweyne dal madax banaan, iyadoona la wadaagi doonta macluumaad dhanka horumarka ah, ganacsi iyo mashaariic horumarineed.

Waxaa kale oo madaxtooyada Kenya ay doonaysaa inay ganacsiga qaadka Miirowga ee dalkaasi u wareejiso Degaanada Waqooyiga Somalia, iyadoo qandaraasyo lagu siiyay Ehelada Mr.Muuse Biixi, kadib markii ay Maamulka Farmaajo uu diidey in laga soo dejiyo guud ahaan gudaha Konfurta Somalia.

78390cookie-checkUhuruu Oo Martiqaad U Diray Muuse Biixi