UK & Denmark Oo Qorsheynaaya iney Soo Galootiga Dib U Dejinaaya Dalka Ruwanda

Somalia news

Warbixino la helay ayaa muujinaaya in Dowladaha UK iyo Denmark ay qorsheynaayan sidii ay dib ugu celin lahaayeen Soo galootiga sharci darrada ku jooga dalalkooda iyo Ajaaniibta Sharciyada degenaashaha heysta Ee Dembiyada lagu xukumo in dib u dejin loogu sameeyo Dalka Ruwanda..

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Denmark oo in muddo ah waday siyaasad ku saleysan naceybka Soo galootiga, isla markaasna Qaxootiga badan dejisay Jasiirad ku dhow Dalkaasi, ayaa la sheegay iney Heshiis la gaareen Maamulka Dalka Ruwanda iney dhaqaale ku siiyaan sidii Qaxootiga dib loogu dejin lahaa dalkaasi.

Sidoo kale Dowladda UK ayaa la sheegay iney ka baaraan dageyso sidii ay heshiis ula gaari laheyd Maamulka Ruwanda in Dadka Soo galootiga ah xeryo looga furi lahaa dalkaasi. Islamarkaana ay xeryahaasi noqdaan xarumo lagu baaro Qaxootiga.

Waxaa la sheegay in Dembiilayaasha (Ajaaniibta ah) Ee Dembiyada Mukhaadaraadka. kufsiga iyo Dilalka Maxkamadaha xukumaan ayaa iyaguna la geyn doonaa xeryahaasi si ay u fududaato in Dalkooda dib loogu celiyo.

128140cookie-checkUK & Denmark Oo Qorsheynaaya iney Soo Galootiga Dib U Dejinaaya Dalka Ruwanda