Gudigga Doorashada Puntland Oo Laga Dhacay Gaadiid iyo Agab Doorasho

Somalia news

Sida ay sheegeen ilo wareedyo laga helayo laamaha Amniga ee Puntland, Guddi loo xilsaaray in ay xog aruurin iyo qiimeyn ku sameeyaan goobaha la geynayo Seejooyinka codbixinta iyo qalabkoodii oo loo diray Mudug, Barri iyo Nugaal ayaa kooxo hubeysan ah jidgooyo u dhigteen, iyagoo ka qaatay baabuurtii iyo qalabkii doorashada…

Xogtaan ayaa sheegtay in kooxaha dhacay Agabka Doorashada ay isbaaro dhigteen Degaanka Karin-Dhiig Gobolka Nugaal, iyadoo shaqaalaha iyo Agabkaani ay saarnaayeen gadiid ay kooxdaas saarnayd ku qabsadeen, waxaana la xaqiijinayaa in cod ama muuqaalo ay ka duubteen maleeshiyaadka qabsaday.

Wararka ayaa sheegay in dhamaan Gaadiidkii u baxay Nugaal, Mudug iyo Barri la qaatay, shaqaalhiina ku soo laabteen Xarunta TPEC, balse Sool iyo Sanaag ayay u leexdeen kooxihii loo diray, inkasta oo aysan gaarin, xogtaan ayaa sheegtay in kooxahan is hor istaaga sameeyay Mudug, Barri iyo Nugaal ay la baxeen Kooxda Badbaadada Puntland.

219260cookie-checkGudigga Doorashada Puntland Oo Laga Dhacay Gaadiid iyo Agab Doorasho