Ciidamada Ethiopia oo Xabsiga dhigay Madaxii ciidamada Gobolka Amxaarada 

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga amaanka Ethiopia ayaa lagu qabtay Sarkaal caan ah oo ka tirsan Dowlada oo dhaliili jiray Maamulka Abiy Axmed, kaasoo Jimcihii ka soo muuqday Maxkamad, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa…

Wararka ayaa sheegay in S/Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa Taliyihii Ciidamada Axmaarada ilaa bishii February markaasoo xilka laga xayuubiyay, iyadoo aan la sheegin sababta, Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay Ciidamada Federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda Xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axadii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV wuxuu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee Ra’iisal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay dhaqaale.

Dhanka kale,shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters. “Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Boliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xireen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar.

189920cookie-checkCiidamada Ethiopia oo Xabsiga dhigay Madaxii ciidamada Gobolka Amxaarada