Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Puntland

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa kooxo CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) oo ay abaabuleen Saraakiisha Warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa laga Howlgeliyay Degaanada Dowlad goboleedka Puntland, Kooxdaan ayaa la sheegay intooda badan ineysan ku nooleyn gudaha Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, balse ay ku nool yihiin Magaalooyinka Mogadishu iyo Istanbul…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Kooxdaan ayaa ka kooban 14-xubnood (Wariye) waxaana account-yo looga diray Facebook iyo YouTube, iyadoo kharashaadka ku baxaaya looga soo diraaVilla Somalia iyadoo loo dhigo Xawaaladaha, waxaana loo xil saaray iney fariimo been abuur ah ku marin habaabiyaan Shacbiga Puntland.

Koontooyinka loo furay Dhalinyaradaan ayaa ku howlgalaya “Magacyo Puntland oo erayo ama Magac lagu daray “. Qaarna waxay wataan Magacyada iyaga shaqsiyan loo yaqaan, Qaar waxay ku howlgalaya koontooyinkoodii ay shaqsiyaad horey u lahaayeen lana jabsaday kadibna warar been abuur ahna lagu qoro.

Kooxdaan ayaa waxaa la faray inay ku tartamaan si ay u mutaystaan Abaal marin lacageed Buunbuuninta wararka ku lidka ah Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, ayna kusoo hurgufaan Baraha Bulshada Fake News si Dadka loogu mashquuliyo inta uu Kulanka Teendhada Afisioni socdo.

107420cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Puntland