Wariye Lagu Xiray Buurhakaba..

Uncategorized

Wararka ka imaanaya Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in lagu xiray nin Wariye ah, oo ka hawlgala mid ka mid ah telefishinada ka shaqeeya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wariye Xuseen Cali Geesey ayaa lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Buurhakaba, kadib markii lagu soo eedeeyay qoraal uu Isniintii dadka kula wadaagay bartiisa Facebook, Wariyaha oo ka hawlgala Telefishinka 5Stv ayaa waxaa looga yeeray inuu yimaado Saldhiga Boliiska ee Degmada Buurhabaka, kadib markii uu sidaasi ku wargeliyay Cabdi Maxamed Axmed, Taliyaha Saldhiga Boliiska.

Maamulada dalka ka jira ayaa waxaa lagu dhaliilaa inay si khaldan u fahmeen adeegsiga barraha bulshada, iyagoo qaarkood ka samaystay kooxo ay ku weeraraan dhinacyada ay siyaasadda dalka isu hayaan, dulqaadse uma laha marka lagu baahiyo qoraalada lagu saxayo khaladaadkooda.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto Hanjabaado/cago jugleen, xarig iyo dilba.

16470cookie-checkWariye Lagu Xiray Buurhakaba..