Xakameynta Kiimikada Iyo Walxaha Qarxa Ee Somalia

Somalia news

Dalka Somalia ayaa sanadihii 2017-18, waxaa dalka si Ganacsiga ah loo soo geliyay noocyada kala duwan oo Gaar ahaan waxaa dalalka UAE iyo Kenya laga soo dhoofiyay 44-tan Bacrimin (Nitric acid), iyadoo oggolasho laga helay UN-ka, gaar ahaan Xafiiska Comtrad System, waxaana loogu oggolaada baahida Xagga Warshadaha iyo Beeraha…

Inkastoo Baaris iyo daba gal dheer la sameeyay ay muujinayaan in Xuduudaha Dhulka Ee Somalia la leedahay Kenya iyo Ethiopia oo dhinac ah iyo Xuduudaha dhinac badda Ee Yemen ay muujinayaan in Qulqulka sharci darrada ah ee Kiimikada iyo walxaha qaraxa, iyadoo aysan jirin Ilaalin adag Ee xuduudaha iyo xakameynta Ganacsatada ku mashquulsan iney soo dhoofiyaan Maadooyinka laga farsameeyo Walxaha qarxa, kuwaasoo si fudud ugu gacan gala kooxaha argagixisada.

Khubarada ku xeel dheeraha arrimaha gudaha ayaa sheegay in daraasad la sameeyay ay tilmaamayaan in Kooxda Shababka ay sanadihii 2017-19 ay qaraxyo ku dileen qiyaastii 5000 oo Dad rayid ah qaraxyo ay maleegeen, waxaana la sheegay in qaraxyadaasi laga farsameeyay Kiimiko iyo Bacrinta beeraha laga farsameeyay (ammonium nitrate) iyo (potassium nitrate), waxaana lagu Eedeeyay Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iney ka gaabiyeen iney xakameeyaan ganacsatada ka shaqeysata Kiimikada iyo Bacrinta beeraha.

May 17, 2019, Markab Xamuul oo calanka Tanzania ku suntan, laguna magacaabo (Marine Vessel Oriental Queen), ayaa 165-tab oo kiimikada Ammonium nitrate, 180-tan walxo qarxa ah iyo 500 hargaha wax lagu qarxiyo laga soo dejiyay dekeda Bosaaso, wuxuuna ka soo shiraacay Dalka Turkey, iyadoo laga soo dejiyay dekada Bosaaso, laguna keenay fasax laga helay UN-ka, Ayaan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen. Inkastoo loogu talo galay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka Dekeda.

Ilo xogogaal ay u Diinah.com news u sheegeen, ilaa 4-dal ayaa ka diiwaan gashan Xafiiska UN-ka Qeybta Comtrad System sanadihii 2013-18 iney Somalia u dhoofiyaan noocyada Kiimikada ammonium and potassium nitrate, acetone, glycerol, nitric acid, and sodium chlorate, kuwaasoo kala ah Kenya, Holland, China iyo UAE, halka Dalalka kale ay si suuq madow ku soo geliyaan Kiimikada sharci darrada ah.

62550cookie-checkXakameynta Kiimikada Iyo Walxaha Qarxa Ee Somalia