Maxaa Xiligaan ku Riixay Mucaaradnimada Saraakiishii Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in kooxo kala duwan oo Mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh, ayaa bilihii ugu dambeeyay ku waday abaabul iyo faafin dacaayado aan jirin Dowlada, kadib markii tiro Mas’uuliyiin ah xilalka laga qaaday kuwaasoo ka soo jeeda Puntland…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kooxahaan uu abaabuleedka uu horjooge hoose u yahay Adeege Fahad Yaasiin iyo kooxdiisii Saxaafada ee Turkiga Geed fadhiga u ah kuwaasoo bunbuuniya Wararka been abuurka ah si loo xagal daaciyo Howl-maalmeedka Dowladda isla markaasna ugu yaraan xilalka Xubnahaan loo daayo si ay u fuliyaan Siyaasada Farmaajaha Fashilmay.

Iyadoo hadafka Fahad Yaasiin uu yahay in la gaaro 3-ujeedo oo kala ah…

-In Beesha Maxamuud Saleebaan iney ku kiciyaan Beelaha kale ee Mj.Harti iyo Daarood oo ay ku shubaan Farmaajo la dagaalkiisii maxaa laga faa’iday.?

-In Puntland Beelo ahaan loo kala qeybiyo si Doorashada khalkhal looga geliyo Deni Jawi colaadeedna la abuuro.

-Iney salaanka ay ufuulaan Mucaaradida Xasan Shiikh ay ka dhigtaan qadiyada xilal ka xayuubinta, iyadoo Dadka maankiisa aysan weli ka go’in go’aanadii uu lahaa Farmaajo ee Hor istaaga Horumaka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha (sida Dekedaha Boosaso iyo Garacad, Diidmadii Shahaadada Ardayda Ee Puntland iyo kala qeybinta Midnimada bulshada.

227150cookie-checkMaxaa Xiligaan ku Riixay Mucaaradnimada Saraakiishii Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com