Caruur Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Galguduud

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaan hoos taga Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in 4- Caruur ah ay ku geeriyoodeen, kadib markii uu ku qarxa Haraadiga xabad hoobiye oo ku aasnayd dhulka hoostiisa….

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday degaanka Bangeele ee Gobolka galgaduud, kadib markii ay ku ciyaariyeen Hoobiyaha isla markaasna uu sidaasi ay kula qarxay, Deegaano & Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa yaallo haraadiga waxyaabaha Qarxa oo halis ku ah Nolosha carruur badan.

Magacyada ardayda qaruxu haleelay waxay kala yihiin sidan hoos ku xusan:

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed, Fasalka 6aad.
2- Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad.
3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille
Faslka 4aad.
4- Kaamil Daroor Maxamed Cali, Fasalka 3aad.

68230cookie-checkCaruur Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Galguduud