Dagaal beeleed ay Dad ku Dhinteen oo ka dhacay Tuulo ka Tirsan Dowlad Degaanka Soomaalida

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in shalay uu dagaal beeleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Goda oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia…

Ugu yaraan shan qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dagaal beeleedkan, iyadoo dhanka dowladdana lasoo sheegayo in ciidamo kala dhex gala beelahan dagaalamay ay halkaa u dirtay.

Dagaal beeleedkan ayaa siday wararku sheegayaan waxa uu daba socdaa dagaal kale oo isla beelahan dagaalamay bil ka hor ku dhex maray tuulo kamid ah degmada Gursum oo lagu magacaabo Anane, halkaas oo xilligaa ay dagaal beeleedkaasi ay ku dhinteen ilaa saddex qof oo kamid ah beelihii wakhtigaa dagaallamay.

214610cookie-checkDagaal beeleed ay Dad ku Dhinteen oo ka dhacay Tuulo ka Tirsan Dowlad Degaanka Soomaalida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com