Ma Dhabaa in Khaladka Muddo Kordhinta Xil-heynta Maamulada Gobolada ay Horseedi karaan Burbur..

Somalia news

Iyadoo ay soo dhawaaneyso Xiligii dhamaadka halka sano oo ay Maamulada Gobolada ku kororsadeen Xil-heyntooda, isla markaasna Garabyada Siyaasiyiinta Mucaaradka ay cod dheer ku dalbadeen in doorashada la Qabto, ayaa waxaa soo baxaaya in Villa Somalia ay la safatay Maamulada Gobolada Doorashada dooneysa in la qabto Novembar 2024-ta…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Waraidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo dhawaan u deyriyay (Maalintii Jimcihii ) tagtay Xubno Siyaasiyiin iyo Musharixiin ka soo jeeda Degaanada Konfur galbeed, wuxuuna u sheegay in Doorashada Konfur galbeed laga wada hadli doono Bisha Novembar sanadka 2024-ta.

Inkastoo uu kulan kale isugu dhiman yahay Xasan Sheekh iyo Xubnahaan hadana waxaa jirta xujo xukun Villa Somalia ku hor gudban inta aan la gaarin in lagu qasbo qabashada doorasho Maamulka Konfur galbeed, waxaana la is-weydiin u baahan Doorashadee la hormariyaa Mid Jubbaland mise Konfur galbeed.

Kala aragti duwaanashaha arrimaha Doorashada iyo Siyaasada ayaa lagu soo koobo karaa muddo kordhin sharci darro ah oo Villa Somalia ay ka oggolaatay Maamulada Gobolada, iyadoo warar ay sheegayaan in Xasan Gurgurte uu qorsheystay in muddo xileedkiisa 2-sano loogu kordhiyo sida kuwa Maamulada Gobolada, Qaladaadka Go’aankaan Siyaasadeed ayaa horseedi kara Dagaalo sokeeye iyo burbur Nidaamka jilicsan ee Federaalka.

281350cookie-checkMa Dhabaa in Khaladka Muddo Kordhinta Xil-heynta Maamulada Gobolada ay Horseedi karaan Burbur..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com