Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan ay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ Ku leeyihiin Xarunta Amisom ee Xalane, iyadoo shirkooda ku soo aaday xilli xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareetay, kaddib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac sababay ay shalay iyo habeen hore ka dhaceen Muqdisho…
Iyadoo Ciidamada dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday ay weerareen hoteelki ay daganaayeen Madaxweynayaashi hore rasaasna ku fureen bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Wakiiladaan ayaa lagu Eedeeyay iney sabab u yihiin is-mari waaga ka taagan Khilaafka Doorashada, waxaana farta lagu goday Danjiraha USA, Wakiilada UN-ka, Wakiilka AU-da iyo Danjirayaasha Qatar, Turkiga iyo Ethiopia iney caqabad ku yihiin geedi socodka Nabada Somalia.