Tawarkii War-lalinta Hormuud oo Ku soo Dumay Dad Rayid ah & Khasaaraha ka Dhashay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Taawarkii Warlalinta ee Shirjada Hormuud uu xalay ku soo dumay Guryo ay degenaayeen Dad Maato ah oo halkaasi ku noolaa, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhawwac..

Wararka ayaa dheegay in Taawarka dumay uu ku dul dhacay Guri ay deganaayeen Dad uu kamid ahaa Marxuum Xaasow Cabdulle oo 40-sano jir oo Laba Xaaske ahaa kuna dhaqeysan jiray Moto Vekon, iyadoo la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray Faadumo Maxamuud.

Ilaa hadda lama yaqaano Shirkada Hormuud iney u gurmatay Dadkaasi dhibaatada ka soo gaartay Taawarka ku dumay Dadka Masaakiinta ah, iyadoo sidoo Maamulka degaanka ayaan weli ka hadlin dhibaatada ka dhalatay Taawarka dumay.

276710cookie-checkTawarkii War-lalinta Hormuud oo Ku soo Dumay Dad Rayid ah & Khasaaraha ka Dhashay..