Ma Dhabaa in Khilaaf Ka Dhashay Maamulka Mushaaraadka Xoogaga Xasilinta ee Xamar…

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Shaqaalaha Rayidka oo muddo aan la siinin Xuquuqdooda, ayaa waxaa ku soo biiray Xoogaga Xasilinta Xamar, kadib markii ay Mushahaarkii (Guuno) la’aan noqdeen Bishan, Iyadoo la sheegaya in Maamulka Villa Somalia iyo Dowladda UAE uu khilaaf soo kala dhex galay…

Wararka ayaa sheegay Dhaqaale la’aan ay xiligaan la tacaaleyso Dowlada Federaalka, ayaa waxaa culeys ku kordhiyay khilaaf iyo isfahan waa ka dhashay kadib markii ay dalbatay in lagu soo wareejiyo oo ay maamusho Lacagta Mushahaarka loo siiyo Xoogaga ilaaliya Magaalada.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo bixisa Mushahaarka Ciidankan,ayaa hakisay,kana hor timid dalabka Dowlada dhexe ee Somaliya, Lama oga ujeedka ka dambeysa dalabka Dowlada Dhexe ee caanka ku ah musuqa ay ku doonayso lasoo wareegida Mushahaarka Ciidankaas, Xoogaga Xasilinta Xamar, ayaa dhan ilaa 3000-Askari, waxaana la dhisay Sanad ka hor.

264770cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Ka Dhashay Maamulka Mushaaraadka Xoogaga Xasilinta ee Xamar…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com