Xoogaga Amaanka Jubbaland oo Odeyaal Dhaqmeed u Xiray iney taageereen Argagixisada Shabaabka..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Go’aan xarig ay soo saareen Maxkamada Ciidamada ee Maamulka Jubbaland ayaa ku riday tiro Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo lagu eedeeyay iney la shaqeeyaan kooxda Aragagixisada Shabaabka…

Wararka ayaa sheegaya in Garsoorka
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa Odayaashan oggolaatay in 60-maalmood oo Baaris xarig iyo xalaaleyn, si loo sii baaro Dacwadaha lagu soo oogay Odayaashaan, Maamulka Jubbaland ayaa horay Odayaasha dhaqanka uga digay in ay xiriir la leeyihiin Shabaabka, iyagoo sheegay in ciddii u hogaansata awaamiirta kooxda Shabaabka ama heshiis la gala laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Dowladda Federaalka ayaa horay Odayaal uga soo xirtay magaalada Cadaado laguna xukumay xarig 15 sano ah, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin Argagixisada Shabaabka oo ay heshiisyo la galeen, Sharci ka dhan ah kooxaha Argagixisada oo ay soo saartay Dowladda Federaalka sanadkii hore ayaa dambiile u aqoonsanaya cid kasta oo taageerta kooxda Shabaab.

283380cookie-checkXoogaga Amaanka Jubbaland oo Odeyaal Dhaqmeed u Xiray iney taageereen Argagixisada Shabaabka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com