Xaalada Magaalada B/Weyne & Danaha Is-Diidan Ee Doorashada

Somalia news

Maalin ka hor ayeey aheyd markii uu Madaxweynaha Hir-Shabelle Mr.Cali Guudlaawe uu ku gacan seyray in Eedeysane Fahad Yasin lagu raali geliyo in 5-Kursi oo degaan doorashadoodu tahay Magaalada B/Weyne loo soo wareejiyo magaalada Jowhar…

Talaabadaan ayaa la sheegay iney caro xoogan ka qaadeen Kooxaha Villa Somalia, waxeyna dib u abaabuleen dhaqaalena ku bixiyeen sidii loo carqaladeyn lahaa dadaalada Nabadeed ee Guddiyada heerka Wasiir ee uu Wasiirka 1-aad magacaabay kuwaasoo gaaray magaalada Jowhar, kuna sii jeeda magaalada B/weyne.

Iyadoo xalay mar qura isbadalay xaalada magaalada Baledweyne oo laga dareemayo jawi aad u kacsan kadib markii dadweyne careysan iyo Maleeshiyaad kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle ay xirteen wadada laamiga ah ee isku xirta garoonka Baledweyne iyo xerada Lamagalaay.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii ay fiidnimadii hore ee xalay ay soo baxeen warar sheegaya in maalinta berito ah la doonayo in Baledweyne tagaan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddi wasiiro ah oo uu dhawaan Ra’iisul wasaare Rooble u xilsaaray xalinta xiisada Baledweyne.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Militariga Somalia iyo kuwii dhawaan dowladda geysay Baledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ay doonayaan iney isku fidinayaan wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan isku dhacyo dhexmari kara ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoonka Hiiraan ee kasoo horjeeda imaasha Cali Guudlaawe ee magaalada Baledweyne.

166220cookie-checkXaalada Magaalada B/Weyne & Danaha Is-Diidan Ee Doorashada