Ma Dhabaa in Abiy Axmed & Cagjar ay ku Mashquulsan yihiin Kala Qeybinta Siyaasiyiinta Kilinka Soomaalida Ethiopia

Africa News Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu bilihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii Qabaa’iilada Soomaalida ee Kilinka u kala qeybin lahaa wuxuuna Qandaraaskaasi u wakiishay Mr.Mustaf Cagjar…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweynaha Kilinka Soomaalida uu weli faraha kula jiro kala qeybinta Beelaha Soomaalida Ethiopia gaar ahaan Beesha Ogaadeen ( Reer Cabdille), Mr.Cagjar ayaa horey u kala qeybiyay Jabhada ONLF oo la sheegay iney xiligaan u kala jabeen laba Garab, isagoo soo dhaweystay mid ka mid ah garabyadaasi siiyayna Dhisme (Madbacad) uu lahaa Ganacsade Tirgey ah (Tandhi Manus).

Xiligaan ayaa la sheegay in Mr.Cagjar uu maahquul ku yahay qorshe lagu kala diraayo Urur FEP ee uu Hogaamiyo (Ibraahim Dheere), Siyaasi ka soo jeeda Beesha Reer Cabdille, isagoo xaalad ka dhex abuuray Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa, Xilka qaadista ayaa loogu cuskaday (Dembi ah) inuu ka tegtay magaalada Mogadishu.

Abiy Axmed & Qabankiisa Cagjar ayaa shaki & Cabsi ka muujiyeen tegistii Caasimada Magaalada Modadishu Gudoomiyaha ONLF Mr.Maadey iyo Gudoomiyaha FEP Sheekh Ibraahim dheere kuwaasoo kulamo la qaatay Ra’iisul wasaaraha Somalia Xamse Cabdi iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

213240cookie-checkMa Dhabaa in Abiy Axmed & Cagjar ay ku Mashquulsan yihiin Kala Qeybinta Siyaasiyiinta Kilinka Soomaalida Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com