Maxaa Xiligaan Keenay Hoos u dhaca Amni ee Caasimada iyo Degaanada ku Xeeran

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa tilmaamaya iney jirto Cabsi amaan oo ku gedaaman Magaalada Mogadishu iyo degaanada ku gedaaman, kadib markii ay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyaada kooxda Argagixisada Shababka, ayna sabab u noqotay hoos u dhaca Amaanka Caasimada & in duulimaadkii Diyaaradda Qatar Airways ay maanta baajiso Imaatinkeedii…

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan cabasho laga keenay Hogaanka Shirkadda Favori oo gacanta ku heysa Maamulka Garoonka kadib markii shaqo joojin cabasho ah ku dhaqaaqeen Shaqaalaha shirkadda oo howlfulinta Garoonka qeyb ka ah, Madaxda Hey’adda ayaa tiro dhowr jeer ah lagu eedeeyay faquuq xagga shaqada.

Wararka ayaa sheegay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad Mogdishu-Wadada xeebta ee Marka lagu arkaayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay tiro badan oo Maleeshiyaad dhaqdhaqaaq ka wada halkaasi, kuwaasoo Gaadiidka iyo Dadka socotada cabsi gelin iyo Hajabaado u jeedinaayay.

Khubarada Amaanka ayaa ku eedeeyay Hogaanka Dalka iyo kuwa Amaanka iney dayaceen Xoojinta Amaanka Wadooyinka Mogdishu-Jowhar iyo Mogadishu Marka, waxeyna ku mashquuleen xoreynta degaano ka fog Caasimada, taasoo horseeday iney Makeeshiyaadka ku soo dhawaadaan Caasimada khatarna geliyaan Duulimaadyada Diyaaradaha Caalamiga ah.

237880cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Hoos u dhaca Amni ee Caasimada iyo Degaanada ku Xeeran