Xarumaha Waxbarashada Gobolka Benaadir oo 3-Maalmood Albaabada loo Laabay…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa dhamaan Dugsiyada Waxbarashada ee Gobolka Benaadir ayaa maanta albaabada loo laabay kadib markii bahda Waxbarashu ay ku dhawaaqeen in ay xirnaanayaan muddo 3-Maalmood ah oo ka billaabanaysa sabtida maanta ah 17-ka Febaraayo 2024 ilaa 19ka Febaraayo 2024…

Bahda Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa ku sababeysa shaqo joojintaan ay ku dhaqaaqeen iney garab istaag u muujinayaan Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalloow Abiikar oo lagu dhex dilay goobtiisa Waxbarashada, Jaamacadaha & Dugsiyada Magaalada Muqdisho ayaa la xiray maanta, Bahda Waxbarashadu waxa ay go’aankooda daba-dhigeen baaq ku saabsan in ay caddaaladda u doonayaan macallinka la dilay isaga oo ku howlan waxbarista Arday Soomaaliyeed.

Dowladda ayay ka dalbadeen in si gaar ah indhaha ula raacdo dhacdadaan si ay badqab u helaan macallimiinta Soomaaliyeed ee usoo dhabar-adeegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen jahliga isla markaana wax loo bari lahaa Ardayda, Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan oo ah 20ka Febaraayo 2024 ayaa dib loo furi doonnaa goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho, bareyaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in la dhowro mudnaanta macallimiintu leeyihiin.

309060cookie-checkXarumaha Waxbarashada Gobolka Benaadir oo 3-Maalmood Albaabada loo Laabay…