Xiisad ka Dhalatay Shil Gaari oo Horseeday Fal Dil kam ah oo uu Geystay Wiil uu Dhalay Madaxweynaha Somalia..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Shil gaari oo dhacay 30-kii Novembar ee Bishii tagay uuna geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Somalia (Maxamed Xasan Sheekh), kaasoo Gaari ay leedahay Safaarada Somalia uu si sharci darro ah u qaatay isla markaasna ku dilay Muwaadin u dhashay Dalka Turkiga…

Wararka ayaa sheegay in Shilkaan ayaa dhacay meel u dhow wadada laga baxo dusmada Eurasia Tunnel ee Aksaray, iyadoo Muwaadinka shilka ku geeriyooday magaciisa lagu sheegay Yunus Emre Göcer oo 38-jir ahaa, marxuumka ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu mootadiisa ka istaajiyo Waddada Kennedy Avenue, ayaan darro Wiilka Madaxweynaha oo xiligaasi watay Gaari u diiwaangashan Qunsuliyada Somalia ee Turkiga uu gadaal uga dhacay Mootada Göçer kaasoo Xowli sareeya ku socday.

Shilka ayaa sababay inuu Dhaawac culus uu soo gaaro Marxuum Göçer, lix maalmood kadib ugu geeriyoodo dhaawacii soo gaarey Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Istanbul, Warbixinihii ugu horreeyey ee Boliisku baahiyeen ayeey si aan sax ahayn u faafiyey war sheegaya in Göçer uu lumiyey xakamaynta mootada, Si kastaba ha ahaatee, muuqaalada keydka ee (CCTV) amaanka ayaa markii dambe shaaca ka qaaday in gaariga Maxamuud uu dhabarka dambe kaga dhacay marxuumka, taasoo ka hor imaanaysa warkoodii hore.

Shilka kadib ayaa Boliiska siidaayeen Wiilka Madaxweynaha, hase yeeshee Kala duwanaanshiyaha Wararka Boliiska ee ku jira warbixinta iyo muuqaalka CCTV-ga ayaana haatan walaac ku abuuray Qoyska iyo Qaraabada Göcer, waxeyna dalbadeen iney Cadaalad la horkeeno Wiilka Madaxweynaha, iyadoo bulshada ay u baroor diiqday dhimashada Göcer, oo ahaa aabbe laba caruur ah leh, kadib markii ay ka qaybgaleen aaskiisa oo ka dhacay Gümüşsuyu Cemevi, halkaasoo ay ka muuqatey xaalad kacsanaan iyo tiiraanyo ay u muujinayeen qaraabada iyo wadayaasha mootooyinka oo janaasada yimid.

Madaxweynaha Somalia oo Wakiilo Qareeno ah u diyaariyay ayaa la sheegayaa inuu doonaayo in si hoose loo xaliyo Xiisadaan, iyadoo Indheer garatada Soomaaliyeed ay is weydiinayaan Sababta Caruurta Madaxweynaha ugu milmeen Xafiisyada Dowlada, inkastoo uu horey meel fagaaro ah uga sheegay Madaxweynaha in Caruurtiisa ay la mid yihiin kuwa kale xaqna u leeyihiin iney xilal qabtaan, Wiilka Shilka geystay ayaa ka baxsaday Magaalada Istanbul wuxuuna soo gaaray magaalada Mogadishu.

291710cookie-checkXiisad ka Dhalatay Shil Gaari oo Horseeday Fal Dil kam ah oo uu Geystay Wiil uu Dhalay Madaxweynaha Somalia..