Hogaanka NISA Oo Amaro & Dib u Baaris ku Bilaabay Shaqaalaha Madaxtooyada Dalka

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa muujinaaya in Shaqaalaha Madaxtooyada Somalia lagu bilaabay wareysiyo gaar ah iyo baaris dheeraad ah, waxaana lagu soo rogay tilamaamo cusub oo ka yimid dhinaca Hogaanka NISA, oo kala ah, kuwasoo laga doonaayo in faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan CV-dooda..

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Shaqaalaha laga doonaayo iney Taariikh Nololeedka iyo xogtiisa gaarka ah inuu keeno (CV- oo ay lasocdaan Shahaadooyinka cadeymaha-Damiinkiisa shaqada), Baasaboorkiisa ama Aqoonsiga kaarka dhalashada (2 Sawir oo cusub), Haddii uu Gaari & hub leeyahay iyo sharciyada u haysto.

Amaradaan ayaa soo baxay iyadoo Horey Maamulka Madaxtootada u heysteen dhammaan macluumaadkan ayaa u yaala Xafiiska Waaxda Shaqaalaha ee Madaxtooyada oo keydisay, talaabada cusub ayaa la aaminsan yahay in ay la xiriirto sidii banaanka loogu saari lahaa shaqaalaha qaarkood, kuwaasoo lagu tuhmay iney bixiyaan Sirta una gudbiyaan Adeege Fahad Yasin.

219160cookie-checkHogaanka NISA Oo Amaro & Dib u Baaris ku Bilaabay Shaqaalaha Madaxtooyada Dalka