Hey’ad Joojineysa Howlaheeda Samafalka

Somalia news

Hay’adda INTERSOS oo ah Hey’ad ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa ku dhawaaqday inay xireyso howlgalkeedii Gudaha Dalka, kadib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay Gobolka Shabeelada Dhexe…..

Agaasimaha hay’adda INTERSOS, Kostas Moschochoritis, ayaa sheegay inay dood dheer kadib go’aan ku gaareen inay albaabada u laabaan howlahoodii Somalia, isagoo sheegay in hay’addu iskaashi bani’aadamnimo iyo cilaaqaad dheer la lahayd dadka Soomaaliyeed.

Go’aanka lagu xirayo howlgalka INTERSOS ayaa daba socda kadib markii hay’addu muujisay walaaceeda ku saabsan nabadgelyada iyo amniga shaqaaalaheeda Soomaaliya iyo bulshada ay u adeegto, INTERSOS waxay sheegtay inay weli si qoto dheer uga walaacsan tahay baahida dadka iyo bulshada ay u adeegayeen in ka badan 28 sano.

70710cookie-checkHey’ad Joojineysa Howlaheeda Samafalka