Danaha Dahsoon Ee Dowladda Mareykanka & Dabaca Dowlada Federaalka Ee Dekada Berbera

Somalia news

Ilaa bilowgii Qarnigaan Dowlada Maraykanku waxay loollan istaraatiijiyadeed kula jirtay dalalka Russia & China oo hadda cuddudoodu dhaqaale iyo Milatariba kordhinayay, waxeyna saamayntoodu soo gaartay gobolkeena Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah, Dalalkaan ayaa doonaya in Maamulka Aduunka u ka guuro Unipolarisan loo guuro Multipolarism…

Hadaba Maxaa Dalka u Dan ah:-

Maalmo ka hor wuxuu la-taliyaha xagga Amniga Xuseen Sheekh ee Madaxwaynaha dulsaarnaa Markab Ciidamada badda ee Maraykanka oo Muqdisho u soo dhawaaday, Runtii la-taliyihu aad buu u faraxsanaa markaa si dhaw u fiiriso sawiradii uu la wadaagay baraha bulshada.

Muddo yar kadib Madaxwayne Xasan Sheekh wuxuu booqasho ku bixinayaa dalka Maraykanka. Booqashada Xasan Sheekh waxay kaga duwan tahay booqashooyinkii Madaxwaynayaasha Soomaalidu ku tagi jireen dalka Maraykanka in Xasan Sheekh maamuus iyo shirar loogu daah furo booqashadiisa aqalka Pentogan ee xarunta u ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa amakaag noqotay, isagoo aysan ku wehliyin Saraakiishiisa Amniga.

Waxaan shaki ku jirin in Xasan Sheekh uu kaalmo milatari iyo mid Diblomaasiyadeed uu u doontay dalka Maraykanka, waayo dowlada Xasan Sheekh waxay dagaal u caddaysatay kooxda aragagixisada ah ee Shabaab oo xasuuq joogto ah ku hayay Shacbiga Soomaaliyeed ilaa iyo sannadkii 2000 oo ay ahayd markii la asaasay.

Xiligaan waxay u muuqataa Dowlada Maraykanku debaca siyaasadeed ee Xasan Sheekh inay uga faa’iidaysanayaan inay ka saxiixdaan heshiisyo (Caalmo) milatari oo ay ku saxayaan istaraatiijiyadooda gobolka Geeska Afrika, Waxaa laga yaabaa Maraykanku mar labaad Berbera inay ka dhigtaan saldhig milatari oo rasmi ah.

iyadaoo Xasan Sheekh looga badalanayo Saxiixa Dekeda taageero milatari iyo mid diblomaasiyadeed ee ay dowlada Xasan Sheekh aadka ugu baahan tahay xiligaan, Waxaa laga yaabaa Maraykanku inay si isku-dhac la’aan ah oo u kala-dabqaadid ay ka dhex kalluumaysato maamulka gooni-goosadka ah ee ‘Somaliland’ iyo dowlada federaalka ah ee uu Xasan Sheekh hoggaamiyo.

214030cookie-checkDanaha Dahsoon Ee Dowladda Mareykanka & Dabaca Dowlada Federaalka Ee Dekada Berbera
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com