Xisbiyada Mucaaradka Oo Guddiyada Doorashada Dhisanaaya

Somalia news

Kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay dhiseen Guddiyada Doorashada oo u badan Shaqaalaha Xafiisyada Madaxtooyada iyo NISA, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Musharaxiinta Mucaaradka ay dhankooda ka wadaan qorshe guddi doorasho oo liddi ku ah kan ay magacaabeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka….

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xisbigyada Mucaaradka ay diyaariyeen qorshe ay Guddiyada Doorashada ku dhisayaan, kadib markii baaqyadii ay soo saareen kuna dhaliileen Guddiyada Doorashada Somalia, waxeyna si cad u sheegeen ineysan ku qanacsaneyn guddiyada la magacaabay, oo ay sheegeen inay ku awood sheegatay Maamulka Farmaajo , iyadoo Liiska Guddiyada laga buuxiyey Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Saraakiil sirdoon ah.

Haddii ay ka dhabeeyaan talaabadaan ayaa la filayaa iney buuq hor leh gelin doonta doorashada dalka, taasoo horseedi karta inuu dib u dhac ku yimaado Doorashada isla markaasna uu khalkhal galo Amaanka Dalka, horseedana in dagaal uu ka qarxo Somalia.

Mr.Farmaajo ayaa dadaal ugu jira in doorashada la qabto ka hor 8-da Febraayo oo muddo xileedkiisu ku eg yahay, isaga oo ka faa’iideysanaya maamul goboleedyo intooda badan uu gacanta ku hayo, iyo guddiyo doorasho oo ay saameyn xooggan ku leedahay Madaxtooyada.

72890cookie-checkXisbiyada Mucaaradka Oo Guddiyada Doorashada Dhisanaaya