Warbixin Qeexeysa Xulshada Xildhibaanada cusub

Somalia news

Inkastoo wakhtiga badan lagu lumiyay qabashada Xulashada dadban ee Somalia ka socotay ayaa hadda soo gaartay heer gebogabo ah, iyadoo ilaa hadda la xulay tiro gaareysa 213-Xildhibaan (77%), tiradaasi waxaa mar kale soo noqday ilaa 69 Xubnood, waxaana ku cusub 144 Xildhibaan…

Warbixino ayaa muujinaaya in Somaliland iyo Banaadiriga ayaa dhameystiray xulashada, halka Galmudug oo ku xigta ay xushay 31-Xildhibaan (84%), waxayna maamullada kale u kala xuleen sidaan Koonfur Galbeed 56-Xubnood (81%), HirShabelle 21-Xubnood (56%0 iyo Jubbaland 23-Xubnood (53%), Maamulka Puntland oo ah maamulka mucaarad ku ah Farmaajo, waxaa uu ceyriyey Xildhibaannadii Taageerada u ahas Farmaajo sida  Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Saadaq Xirsi Warfaa, Jamaal Maxamed Xasan, Maxamuud Xayir Ibraahim isaga oo taa badalkeeda soo saaray xubno ka tirsan golaha wasiirada ama xildhibaannada Puntland iyo Shaqaalaha Maamulka.

Qoondada Haweenka ayaa Sanadkaan aad u hooseysa, iyadoo ilaa hadda la xulay 43-Xildhibaan oo u dhiganta (20%) hal ay raggu qaateen 170-Xildhibaan oo ah (80%), rajana lagama qabo inta dhimman iney ku soo dhameystirmaan tiradii loo qondeeyay ee 30%.

Inta ay socotay xulashada, waxaa soo batay cabashada dad Farmaajo horay u taageersanaa oo xilal ka waayey maamuulo gacansaar la lahaa Regime-ka sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyagoo qaarkood ay la wadaageen shacabka Soomaaliyeed, taasi oo cabsigelin ku abuureysa haddii ay jiraa qaar weli taabacsan Farmaajo, mugdina gelineysa rajadii uu Madaxweynihii hore ka qabay inuu dib usoo noqdo 2022-ka.

173600cookie-checkWarbixin Qeexeysa Xulshada Xildhibaanada cusub