Xogta Qaraxyo Xoogan Oo Xalay Fiidnimadii ka Dhacay Magaalada Muqdisho..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Qarax oo xooggan ayaa abaarihii 20,00-20:20/ fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo Jugta qaraxyadaan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka magaalada, Qaraxyadaan ayaa geysan Dhawaacyo iyo Dhimasho toona….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya iney ka dhaceen labada Buundo  ee kala qeybiya Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, Qaraxyadaan ayaa waxaa u dhexeeyey 20 daqiiqo welina lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Shacbiga ku dhow goobahaasi ayaa Khalkhal iyo cabsi fara badan la soo dersay qaraxyada kadib, gaar ahaan wadada buundooyinka illaa iyo Ceelgaabta, waxaa gabi ahaan joogsaday Gaadiidka Dadweynaha, iyadoo la maqlayo rasaas aan badneyn oo ay ridayaan Xoogaga amaanka.

265930cookie-checkXogta Qaraxyo Xoogan Oo Xalay Fiidnimadii ka Dhacay Magaalada Muqdisho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com