Ma Dhabaa Qorshe ay Villa Somalia Dejisay Cabsi Gelisay Maamulka Qorqor ee Galmudug

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Hogaanka Villa Somalia uu dejiyay Qorshe laba afle oo lidi ku ah Maamulka Galmudug iyo kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Qorshahaan ay qeyb ka yihiin Kooxda Suufiyada oo dib looga abaabulaayo Degaanka Huurshe…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Qorshahaan oo dhowr qeybood uu yahay, iyadoo lagu wado in Madaxweynaha Somalia uu Muddo Bilo ah Xarumo dagaal gelin ka dhigan doono Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Aadan Yabaal, isla markaasna la diyaariyay Ciidamadii iyo Maleeshiyo Beeleed, Qorshahaan ayaa yimid kadib markii Maamulka Qorqor uu ka cago jiiday in Xoogagiisa iyo Maleeshiyaadka Beeshiisa oo muddo difaac ku jiray ay diideen iney qeyb ka noqdaan Dagaalka oo degaanadooda ka xoreeyaan Sida Camaara iyo kuwa kale, waxaana ku raacay Diidmadiisa Beesha Mareexaan.

Aagaga Dagaalka:-

Hogaanka Villa Somalia ayaa dejisay in Xoogaga Beelaha Sacad, Saruur, Dir Ceyr. Duduble, Waceysle iyo Murusade ay qeyb ja noqdaan Dagaalka, xiligaana wada Abaabul Xoogan oo lagu xoojinaayo Ciidamada Dowladda Federaalka si Kooxda Argagixisada Shababka looga sifeeyo 4-ta aag ee Xaradheere, Ceeldheer, Ceelbuur iyo Dhinaca Dhuusa mareeb.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in wada hadal hoose oo maalmihii ugu dambeeyay ay yeelanayaan Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Sirdoonka NISA ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyadoo la sheegay in Mr.Qorqor uu aad u dhibsaday dib u abaabulka Xoogaga Suufiyada iyo Maleeshiyaadka Beesha Ceyr, waxeyna ku riixday inuu xiriir khadka isgaarsiinta Habeenkii la yeesho Madaxweynaha Puntland isla markaasna dacwado u gudbiyo Wiilka Madaxweynaha Djibouti si Ciidamada Jabuuti aysan qeyb uga noqon Gulufka Qorsheysan.

Dhankal Degaanka Huurshe ee Gobolka Galgalduud, waxaa kusii qulqulaya Horgaladii kooxda Suufiyada, iyagoo doonaya iney halkaasi ku qabsadaan kulan balaaran, Iyadoo Dhaqaalaha ku baxaaya abaabulkaasi ay iska kaashadeen Ganacsatada Degaanka iyo Hey’adda NISA.

265970cookie-checkMa Dhabaa Qorshe ay Villa Somalia Dejisay Cabsi Gelisay Maamulka Qorqor ee Galmudug