Saraakiisha ku sugan Qaayib oo Eedeyn Xoogan u Jeediyay Dowladda Federaalka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa eedeyn culus oo ay Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada iyo Maamulka Degaanka Baxdo u jeediyeen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Qorqor kuwaasoo ka gaabiyay taageeradooda kaga aadan doorka dadka reer Baxdo, gaar ahaan kuwa Qaayib ee dagaalka haatan kula jira maleeshiyada Shabaabka..

Gudoomiyaha degaanka Baxdo, Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in dowladdiisu ay taageero dhameystiran siiso dadka deegaanka ee doonaya inay iska dulqaadaan maleeshiyadaasi, wuxuuna sidoo kale baaq u diray Maamulka Qorqor ee Galmudug.

Xildhibaano iyo Saraakiil ka barbar hadlayay Gudoomiyaha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay hagratay ciidamada u diyaarsan la dagaalanka Shabaab, ayna tahay inaanan lagu fiirsan dagaalkan, Maleeshiyada Shabaabka ayaa Jimcihii weerarkii 2aad ka gaystay deegaankaasi, muddo dhowr toddobaad gudahood, ka dib markii laga saaray 25-kii bishii October.

227390cookie-checkSaraakiisha ku sugan Qaayib oo Eedeyn Xoogan u Jeediyay Dowladda Federaalka