Ciidamada Dowlada & Kuwa Kooxda Shababka oo ku Dagaalamay Degaanka Basra..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Basra oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaaso dhaxmaray ciidamada Dowladda iyo kuwa kooxda Argagixisada shabaabka…

Wararka ayaa sheegay in dirirtaan ayaa soo baxday kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ay weerareen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Basra, Dagaalka ayaa Dadka degaanku ku sheegeen inuu ahaa mid ahaa u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, hayeeshee aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen iney iska difaaceen weerarka kaga yimid kooxda Argagixisada, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen, walow aysan carabaabin inta uu dhan yahay khasaaraha.

271640cookie-checkCiidamada Dowlada & Kuwa Kooxda Shababka oo ku Dagaalamay Degaanka Basra..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com