Xoogaga Hubeysan ee Taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland Oo Beeniyay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Qoraal kooban oo ka soo baxay Xoogaga Hubeysan ee la magac baxay “Danab” ee taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa ku beeniyeen iney dhaqdhaqaaqyo ciidan wadaan gudaha magaaalada…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan Hubeysan oo ku sugan fariisinka Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo ka socda dhankooda, iyadoo ku eedeeyay Maamulka Dani inuu ka dambeeyo.

“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa xarunta Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri qoraalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka laga daayo bara-kicinta islamarkaana ay ka waan-toobaan dadka weli hurinaya dhiillada colaadda.

266360cookie-checkXoogaga Hubeysan ee Taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland Oo Beeniyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com