Shababka Oo Xoolo Iib Ah Soo Geliyay Suuqyada Muqdishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa isbedel iyo hoos u dhac xoogan oo ku Kala iibsiga Xoolaha Ee Suuqyada Magaalada MUQDISHU, kadib markii tiro badan oo Xoolo ah (Geel, Lo’ iyo Ari) ay Wakiilo ka socda Kooxda Shababka ay Suuqyada soo geliyeen…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Bilihii ugu dambeeyay ay Kooxda Shababka qaab baad ahaan uga soo uruuriyeen Xoolo dhaqatada Konfurta iyo Bartamaha Somalia tiro badan oo Xoolo ah, kuwaasoo ay rajeynaayeen in loo iib geeyo Dalalka Khaliijka iyo Dalka Iiran, balse ay suurto gal noqon weysay.

Wararka ayaa sheegay in xoolo isugu jira Ari badan oo kumanaan ah, Lo’ iyo Geel ay Kooxda Shabaab usoo iib keenaan Muqdisho iyo magaalooyin kale. Xoolahaas ayaa si baad ah balse lagu sheegay Zakawaad waxaa looga qaadaa dadka ku nool goballada ay maamulaan iyo Degaanada Dowladda ka taliso.

Dhowaan ayaa machadka Hiraal ee xaruntiisu tahay Magaalada Muqdisho ay soo saareen Warbixin ay ka diyaariyeen dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Ee Kooxda Shababka ayna ku ogaadeen iney ka Macaashaan Dhaqaale kor u dhaafaya Malaayiib lacagaha US$ ah, islamarkaana ay canshuurta ugu badan ka qaadaan goobaha ganacsiga iyo dhismooyinka Muqdisho.

71420cookie-checkShababka Oo Xoolo Iib Ah Soo Geliyay Suuqyada Muqdishu