Xuuraanka soo gaaraya Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in is-afgarad guud laga gaaray kulamadii wada tashiga ahaa Ee u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada taabcsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Puntland iyo Jubbaland…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in is-jiidjiid dheer kadib lagu heshiiyay qodobada hoos ku xusan kuwaasoo la sheegay in shaaca laga qaadi doono maalinta Talaadada ee soo socota.
Arrimaha Doorashada:–
-Shirka Madaxda DG oo guud ahaan lagu heshiiyay
-Wasiirka 1-aad Mr.Rooble inuu ku soo biira Kulanka.
-In 2-da Dowlad Goboleedyada (Galmudug iyo H/Shalle ay la Kulmaan Gudoomiyaha Aqalka Sare.
-Midowga Murashaxiinta oo u tanaasulay in hogaanka Doorashada ay wada maamulaan RW Rooble iyo Madaxda DG.
Arrimaha Farsamada:–
- Maamulka Doorashada JL oo loo daayo DG Jubbaland.
- Xubnaha Guddiyada ee la magacaabay oo lagu soo beddelo xubno karaamo iyo ixtiraam ku leh bulshada
- Maamulka iyo Maareynta Doorashda SL oo loo daayo Mudane Abdi Hashi (most senior politician from SL) iyo siyaasiyiinta SL si wadajira ah oo heshiis lagu yahay
- Madaxda DG oo saxiixa in ay doorashada u maamulayaan si hufan oo cadaalad ah
- Beesha Caalamka oo goob joog iyo damaanad ka ahaata fulinta heshiiska. Taageero dhaqaale iyo Farsama u fidisa Guddiga Maamulka Doorashada ee cusub.
1057100cookie-checkXuuraankii Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Maamulada Gobolada