Ma Dhabaa in Suuqyada Mogadishu Lagu Soo Harqiyay Qudaar Laga Keenay Dalka Dibadiisa..

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in Guud ahaan Suuqyada Magaalada Mogadishu iyo tiro Supermarkets ju yaaala magaalada caasimadaa ee Muqdisho waxaa lagu soo harqiyay (iibinayaa) Cambe laga keenay dalka Masar kaasoo halkiisa xabo la iibinaayo 2$ cambahaan ayaa waxa uu ka soo dagay Dekada magaalada Mogadishu…

Akhristow ku darsoo Aqoonyahan ku takhasusay Arrimaha Koboca Dhaqaale Dalka oo aad ula dhacsanaa ku biiritaanka Somalia ee Suuqa Urur Gobokeedka Bariga Africa (EAC), ayaa qeylo dhaan ka soo saaray Cambaha Kooxda Demu Jadiid ka soo Dhoofisay Dalka Egypt oo Suuqyada Caasimada lagu soo harqiyay, iyadoo ay iibinayaan Kaadiriinta Kooxda Villa Somalia.

Dhinaca kale waxa marag ma doonto ah in Qudaarta qaar ee laga keeno Dalalka Ethiopia iyo Kenya sida Yaanyada, Baradhada, Toonta, Avokaadhada, Mooska, Qajaarka, Fruits-ka iyo in kale, Talaabooyinkaan lagu fasaxay keenista Qudaarta, Fruits-ka waxey dhabar/Niyad jab weyn ku tahay wax soo saarka gudaha iyo Beeralayda Soomaaliyeed Iyadoo la heli karo dalagyadiii Dalka ka soo go’ay.

Sidoo kale waxaa jira Hey’ado Shisheeye oi dhaqaale ku bixiya in Beeralayda ay joojiyaan tacbashada, iyagoo bishii siiya calaa Qof 80$, iyadoo Dadkaasi beerahoodi ka soo barakacay, waxeyna barakacayaal ku yihiin duleedka Magaalooyinka mogdisho iyo Baydhabo.

278830cookie-checkMa Dhabaa in Suuqyada Mogadishu Lagu Soo Harqiyay Qudaar Laga Keenay Dalka Dibadiisa..