Ma Dhabaa In Saraakiil Eritrean Ah Mogadishu Soo Gaareen

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xeyn (Koox) Saraakiil Eritrean ah oo ka tirsan Ciidamada Iyo Sirdoonka Dalkaasi ayaa la sheegay iney si qarsoodi ah ku soo gaareen Magaalada Mogadishu Jimcihii la soo dhaafay, waxeyna hordhac ah u yihiin Ciidamo ay dalbadeen Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kooxdaan Saraakiisha ah oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 20-xubnood, ayaa la sheegay iney kala dageen Xarunta NISA, Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xerada Afisioni ee garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaani ay ka soo hormareen Ciidamada (Dhalinyarada loo qaaday Tababarada) Tababarada u joogay duleedka Asmara kuwaasoo dufcadii ugu horeysay oo tiradoodu lagu sheegay 700-Askari ay soo gaari doonaan Magaalada Mogadishu todobaadkaan dhamaadkiisa iyo hal Urur ( Battalion) Oo Ciidamada Eritrea ah.

Xogtaan ayaa sheegtay in Todobaadkii tagay Markab Ciidamada Mareykanka uu ka qabtay Xeebaha Somalia Dooni Hub iyo Rasaas siday, sida la sheegayna ka soo shiraacatay Magaalada Asab ee Dalka Eritrea, Hubkaan ayaa la sheegay in Ciidamadaan lagu qalabeyn lahaa, balse la qabtay.

99000cookie-checkMa Dhabaa In Saraakiil Eritrean Ah Mogadishu Soo Gaareen