4-Arrimood Oo ku Iftiiminaaya Habraaca Ansixinta Wax ka Beddelka Dastuurka..

Somalia news

Muddo 18-sano ayaa Mashruuca qabyo tirka Dastuurka Dalka howlihiisa Maamuladii Dalka isaga dambeeyay soo wadeen ilaa haddana laguma guuleysan in la dhameystiro Dastuurka, iyadoo ay sabab u yihiin heshiisyadii hore oo la dhaqan gelin iyo Qabyada ka timid laba dhinac, Tan hore, qeybo Somalia ka tirsan oo ka maqan heshiiska guud ee Soomaalida oo aan shirkii Carta, Djibouti iyo kii Mbagathi, Kenya aan ka qeyb-galin, Mashruuca hadda Mogadishu ka socda waxaa ka maqan Somaliland, Puntland Xubno Mucaarad ah oo si xoogan u diidan…

Ujeedka  Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka:  

Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka waa xeer-hoosaadka labada aqal ee BFS ee tilmaamaya  hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada  labada aqal ay wadaagaan.

Muxuu ka koobanyahay Habraacan

Habraacan wuxuu nidaaminayaa doodda xildhibaanada oo ah inta xildhibaan kastaa uu fikradiisa ka dhiiban karo oo ah daqiiqadaha ku xusan xeer-hosaadka labada aqal,  shir-guddoonka kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee BFS  iyo habraaca loo marayo ansixinta wax-ka-baddelka soojeedimaha wax-ka-beddelka oo ah saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka KMG ah.

Habraaca Ansixinta Wax-kabeddelka Dastuurka ma waafaqsanyahay Dastuurka KMG ah

Habraacaan maanta loo ballansan yahay waa habraaca waafaqsan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah, qodobka 57aad ee Dastuurka KMG ah iyo  xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS.

Yaa awood u leh habraacan in uu soo saaro?

Baarlamaanka FS ayaa awood u leh  dejinta habraacaan iyo habraacyada  kale ee hagaya hawlaha guddiyada isku dhafan iyo arrimaha dib-u-eegista dastuurka si waafaqsan cutubka 6aad ee Dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS

303350cookie-check4-Arrimood Oo ku Iftiiminaaya Habraaca Ansixinta Wax ka Beddelka Dastuurka..