Shaqaale Ka Cabanaaya Xuquuq La’aan

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya cabasho xoogan oo ay Qaar kamid ah Shaqaalaha ku howlan gurmadka Caafimaad ee ka qeyb qaadanayay la tacaalidda cudurka Caabuqa ee Coronavirus ayaa ka cabanaya xuquuq la’aan muddo bilooyin ah…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u sheegay in Xubnahaan ayaa sheegay in aysan gunooyin (mushaar) helin muddo laba bilood ah dadka qaarkoodna ay qaataan bil kasta Dhaqaale loo qoondeeyay.

Tirada Shaqaalaha cabanaya oo ka kooban 25 qof ayaa ahaa kuwii qaabilsanaa aaska dadka u geeriyooday cudurkaan, dhaqidda maydadka, doonidda ama soo qaadida dadka cudurka looga shakiyo ee soo waca Numberka gargaar a degdeg ah, halka qaarkoodna ay qaabilsanaayeen in Oksajinka dadka ku xiraan.

Mid kamid ah shaqaalaha cabanaya ayaa intaasi raaciyay In Shaqaalaha kale oo qaarkood ku xiran Xafiiska Wasiirka 1-aad toos Loo siiyo Gunnooyinka ee ku howlan Ololaha Covid-19 ay xuquuqdooda.

“Waan raadinay waana ka quusanay helidda gunnada sababtoo ah isku tuur tuur ayuu noqday,” sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo ka gaabsaday magaciisa, Shaqaalahaan ayaa u badan kuwo u shaqeyn jiray Dowlada hoose ee Muqdisho Qeybaha Caafimaadka iyo Nadaafada.

39810cookie-checkShaqaale Ka Cabanaaya Xuquuq La’aan