Shirkaddo Ganacsi Oo la Dul dhigay Ganacx Lacageed oo Culus

Business U.S.

Macluumaad ayaa laga helayaa baaris iyo Dabagal ay fuliyeen Guddiga Amniga iyo Safrika ee USA (SEC), ayaa natiijadii baaristooda ku sheegay in Shirkaddaha Ganacsiga qaarkood ay isticmaaleen hanaan ka baxsan Kanaalada rasmiga ah ee loo dejiyay, waxeyna ku xukumeen ganaax lacageed…

Iyadoo uu Guddigaani uu ku ganaaxay aduun dhan $1,8-Bilyan, kadib markii baaris lagu ogaaday in Shirkadahaan Shaqaalahooda ay heshiisyo iyo Ganacsi uga hadleen Isgaarsiinta Baraha Bulshada gaar ahaan Whatapp, Shirkadahaan ayaa magacayadooda lagu kala sheegay Barclays Banks, UBS, Goldman Sachs, iyo qaar kale oo tiradoodu guud lagu sheegay 16-Shirkadood.

Wararka ayaa sheegay in laga soo bilaababo 2018-kii ilaa Sep-2021-kii, shaqaalaha Bangiyadu waxey si joogto ah uga wada hadlaayeen arrimaha Ganacsiga asxaabtooda, Macaamiisha iyo la-taliyayaal kale oo seddexaad Aalada Whatapp, waxeyna ku xadgudbeen xeerarka ganacsiga ee Federaalka Mareykanka, kuwaasoo looga baahan yahay iney dhowraan si loo badbaadiyo Ganacsigooda.

215990cookie-checkShirkaddo Ganacsi Oo la Dul dhigay Ganacx Lacageed oo Culus