Maxaa Looga Dooday Kulanka Ay Yeesheen Garabyada Taageersan Farmaajo & Fahad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Garabyada Taageersan Farmaajo & Fahad kuwaasoo ku dhacay qaab muqaal fogaan arag & xubno Xiligaan ku sugnaa Villa Somalia, waxaana looga arrinsaday sida loo wajahaayo Dooraahada 15-ka May Xilka Madaxweynaha…

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay oo xiligaasi Villa Somalia ku sugnaa:-

-Farmaajo, Seynab Macallin, Hasan Cali Kheyre, Qorqor, Lafta gareen, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Cabdullaahi Kulane (Jiis-Mareexaan) iyo Cabdishakuur Cali iyo Cali M.Geedi.

halka Magaalada Dooxa ay ku sugnaayeen:-

-Fahad Yasin & Cabdiraxmaan Dheere

Magaalada Nairobi oo ay joogeen:-

-Faarax Macallin iyo Cabdiwahid Cabdisamad (Kenyaan-Somali).

Qodobada looga dooday waxaa ugu muhiimsanaa:-

-Xiligaan uusan Farmaajo noqon karin murshax lagu mideysan yahay ayna adag tahay in dib loo soo doorto, bacdamaa Gudoonada labada Aqal ee Baarlamaanka lagaga guuleystay, loona baahan yahay in Qorshe iyo Hogaan cusub.

-Waxaa lagu heshiiyay in Xooga, Xogta iyo xoolaha la isugu geeyo sidii loo soo saari lahaa Xasan Cali Kheyre, isla markaasna la abuuro jawi horseedi kara in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha.

-In Gudoonada labada Aqal laga diyaariyo Dacaayado iyo warar been ah si loogu qasbo in mustaqbal dhow xilka looga xayuubiyo laguna bedelo Xasan Cabdinur, in la bedelo Xoghayaha guud ee Baarlamaanka.

-In Musharax Xasan Cali Kheyre uu balanqaado inuu tirtiro Dembiyada loo heysto Farmaajo, Kheyre, Fahad, Kulane jiis iyo Yaasin Faray, xitaa hadii ay Maxkamad xukunto uu cafis u fidiyo.

-Arrimaha Shidaalka lagu xoojiyo Agaasimaha Guud (Carabey) Ismaaciil Gooni iyo Gaambe.

-Arrimaha Amaanka waxaa loo xil saaray in loo xusho Da’ud Yare (Odawaa), Farxaan Qaroole iyo Maxamed Daahir.

186990cookie-checkMaxaa Looga Dooday Kulanka Ay Yeesheen Garabyada Taageersan Farmaajo & Fahad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com