Maxaa Keenay Sare u Kac Isku Dhacyada Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka..

Somalia news

Xogo Amaan oo sugan ayaa xaqiijinaaya in Bilihii Oktobar iyo Novembar ee Sanadkaan ay sare u kaceen isku dhacyada hubeysan ee Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaan, iyadoo dadaalo nabadeed oo laga dhex waday ay guuldareysteen…

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Bilihii Ok/Nov ee 2023 ay 13-jeer ku dagaalameen Maleeshiyaadka daacada u kala ah Horgalada Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo Mahad Warsame Qaley (Karatee) Madaxa Amniyaadka, Intii uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda, Hogaanka Shabaabka wuxuu si jilicsan u maamulaayay degaano badan isagoo lagu eedeeyay inuu isku koobay maareynta canshuuro (Baad), Abuu Cubeyda xaruntiisa dhexe uu ka howlgali jiray ay aheyd magaalada Jilib, wuxuuna isku wareejiyay Horjoogayaal jufadiisa ah iyo kuwo ka soo jeeda Waqooyiga Somalia. Mudadii uu xilka hayay wuxuu kala kulmay caqabado Adag, Horgale Mahad Warsame (Karate), taasoo keentay iska hor imaadyo gacan ka hadal ah oo ka dhex dhacay labada Garab.

Khilaafka iyo gacan ka hadalka gudaha ee kooxda ayaa sii xoogeysanayay, gaar ahaan tan iyo markii uu bilowday Ololaha iyo Howlgalka ka hortagga kooxaha nabad-diidka ah dabayaaqadii Agoosto 2022, Mashruuca goobaha colaadaha hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ayaa diiwaan geliyay 13 iska horimaad gudaha ah oo Maleeshiyaadka labada Horgale ee Shabaab ah tan iyo dabayaaqadii Disembar sanadkii 2022-kii kaasoo geystay dhimashada 80-maleeshiyo.

Isku dayo badan oo ay garwadeen ka ahaayeen Horjoogayaal ka yimid Afganistan iyo kuwa ka soo jeeda Degaanada Waqooyiga Somalia ayaa ku guuldareystay iney xakameeyaan xiisadaan u dhaxeysa labada Horjooge, iyadoo Iska horimaadyadaan ay wiiqeen awoodii kooxda qarkana u saarneen iney laba garab u kala jabaan, iyadoo badi ay ku dagaalameen Degmada Jilib, buundada Kamsuuma iyo Degmada Saakow.

291230cookie-checkMaxaa Keenay Sare u Kac Isku Dhacyada Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com