Miyaa loo soo Xawilaayaa Badda Cas & Marinka Bab el Mandan Aaga Cusub ee Dagaalka…

World

Tan iyo bilowgii dagaalka, Israel iyo Hamas, meesha kaliya ee iska caabinta uu si weyn u kordhay waa Badda Cas, iyadoo Xoogaga Xuutiyiinta ay weeraro joogto ah iyo ugaarsi ku hayaan Maraakiibta Xamuulka ee Ganacsatada Israel ay leeyihiin oo mara Badda Cas, waxeyna badaasi ay muhiim u tahay dhaqaalaha Yuhuuda iyo kan Europe…

Talaabadani waxay cadaadis ku saartay USA iyo Dalalka Xulafada la ah, inay si caqli gal ah u fikiraan oo ay ka wada hadlaan xabad joojin, inkastoo Dowlada Israel ay ka codsatay in Maraakiibteeda Ganacsiga ay ilaalo joogto ah ka hayaan, iyagoo sidoo kale dalbaday in biyo mareenka Bab el Mandab Maraakiibta Dagaalka USA iyo Europe si joogto ah u joogaan, waxaase la sheegay in Xuutiyiinta ay awoodaan iney Gujisyada Drones-ka ah oo Miinooyin ka buuxa ku qarxin karaan Maraakiibta Dagaalka ee reer Galbeedka.

Dhaqdhaqaaqa Ansarullah (Xuutiyiinta) ayaa bilaabay iney Drones iyo gantaalo ku weeraraan Maraakiibta reer galbeedka axadii tagtay, iyagoo digniino kama dambeys ah hawada u mariyay, waxey intaasi raaciyeen iney awoodaan (heystaan) ​​noocyada kala duwan ee gantaalaha ballistic-ga  oo ridadiisu gaarto ilaa (2000-km), diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, miinooyinka badda, doomaha ismiidaaminta iyo xitaa hababka difaaca hawada.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Ciidamada ayaa sheegay in hadii ay Xuutiyiinta ku guuleystaan culeys saarkooda dhanka dhaqdhaqaaqa Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa xamuulka ee badeecadaha u sida Dalalka Europe joojiyaan iney Badda Cas maraan waxaa isbedel ku imaan doono sicirka badeecadaha iyo Shidaalka, xiligaana oo bilowga qaboobaha ay dhibaato ku noqon doonto nolosha Dadka Reer Euorpe.

291310cookie-checkMiyaa loo soo Xawilaayaa Badda Cas & Marinka Bab el Mandan Aaga Cusub ee Dagaalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com