Bam-gacmeed Lagu Weeraray Maqaayad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu weeraray Maqaayad ku taal magaalada Bam-gacmeed, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad shacbac ah oo ku fiidsanaayay, waxaana la dhashay khasaare nafeed iyo tiro dhaawacyo ah…

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof (Haweeney) ah ku geeriyootay, waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 3-qof oo rayid ah, kuwaasoo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo maqaayada ku sugnaa, maqaayada ayaa ku taala agagaarka Suuqa Xoolaha ee magaalada B/weyne.

Maqayada la weeraray ayaa ku dhow Fariisin ay iska leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in dhagarqabayaasha fuliyay weerarkaasi ay ahaayeen Dhalinyaro kuwaasoo ka baxsaday goobta.

61660cookie-checkBam-gacmeed Lagu Weeraray Maqaayad