Baqdin & Shaki Laga Muujiyay dhameystirka Xulashada Xildhibaanada 

Somalia news

Baqdin & iyo Shaki ayaa laga muujinaya in Xulashada Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad lagu soo geba-gabeen karo muddadii lagu heshiiyay iyo in kale, sababo ku aaddan dhowr arrimood oo is biirsaday, iyadoo saansaanta muuqata ay tilmaameyso in aan 10-maalmood lagu soo dhameyn karin…

Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka, doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayay aheyd in lagu soo geba-gabeeyo muddo 40 maalmood ah oo ku eg 25-ka bishan, ilaa iyo haddana xitaa lama soo dooran kala bar kuraasta Golaha Shacabka oo 275 kursi ka kooban, Tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la soo doortay ayaa ah 130-kursi, kuwaasoo 26 ka mida ay Qoondo dumar ku soo baxeen.

Ilaa hadda Maamulada Puntland, Jubbaland, & Hir-Shabeele ayaa ka gaabiyay iney Doorasho qabtaan sababo kala duwan ayaana la sheegay iney u bilaabi la’yihiin, halka kuwa qabtay lagu eedeeyay Boob doorasho sida Konfur galbeed iyo Galmudug, taasoo ka dhigeysa in Doorashadaan aysan ka muuqan hufnaan & daahfurnaan.

Waxaa lagu qiimeeyay Doorashadaan iney noqonayso tii musuqa badan uguna liidatay ee Dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somalia, laba iyo labaatan sano ka hor, Waxaana dad badan ka cabsi qabaan in Magaalooyinka qaarkood uu ka dhici karo dagaal dhiig ku daata marka la qiimeeyo sida ay wax u socdaan.

168710cookie-checkBaqdin & Shaki Laga Muujiyay dhameystirka Xulashada Xildhibaanada