Warbixin la Xiriirta Khasaaraha Nafeed iyo Qalabeed ee Dagaalkii Ka Dhacay Degaanka Buulo Mareer..

Africa News Somalia news

Inkastoo Cabsi iyo saameyn uu reebay khasaaraha ka dhashay weerarkii gaadmada ahaa ee lagu qaaday Ciidamada ATMIS qeybta Ugandha oo Fariisinkoodu ahaa Degaanka Buulo mareer, kuwaasoo tiradadoodu lagu qiyaasay ilaa 200-Askari oo qalabkooda u dhan yahay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Muddo Todobaad ah la sheegay in Unug Kooxda Argagixisada ah ay macluumaad ka uruurinayeen arrimaha xerada Ciidamada iyo Qalabkooda ay uu yaalo kuwaasoo aan muddo bilo ah wax howlgal ah qaadin, Waxaana lagu qiyaasay in lagu dileen ilaa 60-70 Askari uu ku jiro Taliyihii Fariisinka halka 3-ka mid Askartaasi ay nolol ahaan u wateen kooxda Weerarka fulisay, waxeyna gubeen laba Taangi iyo tiro 10-Gadiidka Gaashaman.

Weerarka ayaa lagu bilaabay tiro qaraxyo Is-miidaamin ah, kadibna Maleeshiyaadka weerarka qaaday u suurto gelisay iney gudaha u galaan Saldhigga iyo Degaanka Buulo mareer, kooxda ayaa sheegatay iney dileen 137-Askari, balse Hogaanka ATMIS iyo Dowladda Uganda ayaa ka hadlin, ku darsoo Ciidamada Dowlada oo gurmad ahaa ayaa weerar dhaba gal ah lagu hakiyay iney u gurmadaan Ciidamada sidoo kale Diyaaradaha Dagaalka (Helicopters iyo Drones-ka) ayaa xilli dambe goobt Duqeyn ka fuliyay.

Weerardaan gaadmada ah ayaa joogto, iyadoo uu dhaliyo khasaare balaaran isla markaasna Golaha Amaanka, iyadoo Dowladda ay soo dirtay Guddi baariseed uu Hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Dalkaasi Lt Gen Kayanja Muhanga, Hogaanka ATMIS iyo Dowladaha ayaa soo saara Baaqyo Tacsiyen ah iyo Cambareyn balse ma jiraan talaabo dhaafsiisan intaasi, waana ayaan darro in Kooxda Argagixisada ay si fudud u weeraraan Fariisimada go’doonka ah ee Ciidamada Dowlada iyo kuwa ATMIS isla markaasna ay xasuuq geystaan.

258050cookie-checkWarbixin la Xiriirta Khasaaraha Nafeed iyo Qalabeed ee Dagaalkii Ka Dhacay Degaanka Buulo Mareer..