Dhalinayaradii Eritrea Tababarka loogu Qaaday Oo Dhawaan dib loogu soo Celin doono Mogadishu

Somalia news

Waxaa si hoose u socda Qorshe dib loogu soo celinaayo Dhalinyaradii Tababarada loogu qaaday Dalka Eritrea, kuwaasoo ku kala sugan 3-xero oo dalkaasi, Ciidamadaan ayaa Maamulkii Farmaajo si qarsoodi ah tababar ugu dirtay Eritrea, waxeyna muddo ku xariyan yihiin halkaasi..

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Dufcada ugu horeysay ee Ciidamadaan la filaayo iney Caasimada soo gaaraan 10-ka Bisha Oktobar, iyadoo Madaxda Dowladda ay haatan mashquul ku yihiin Taageero Dhaqaale oo lagu furdaamiyo Diyaaradaha soo qaadaya iyo Deynta ay ku leedahay Dalka Eritrea, sidoo kale in la diyaariyo xarumaha la dejin doono Ciidamadaan oo isugu jira kuwa Xooga Dalka, Badda, Boliiska iyo Nabadsugida.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Dowlada Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada lagu tababaray dalka Eritrea ay qayb ka noqon doonaan duullaanka ka dhan ka ah kooxda argagixisada shabaabka, marka ay dhowaan soo gaaraan Caasimada.

215820cookie-checkDhalinayaradii Eritrea Tababarka loogu Qaaday Oo Dhawaan dib loogu soo Celin doono Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com